Magaalada Cadaado Oo Ay Ka Socoto Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Iyo Cabdi qeybdiid Oo Ka Mid Noqday Xubnihii Ugu Horeeyey Ee Ka Mid..

Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxa maanta ka bilowday doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka fedaraalka.

Baarlamaanka Maamulkaas ayaa u fadhiistay soo doorashada sideeda xubnood ee laga doonayo Maamulkaasi inay uga mid noqdaan xubnaha aqala sare.

Baarlamaanka ayaa marka hore doortay Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo ay la tartamayeen Ahmed Kaariye Qoor Qoor iyo Kamaal Guutaalle.

Goordhow ayaa waxa lasoo gudbiyey xubinta labaad ee xubnaha aqalka sare, waxaana kusoo baxay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) waxaana uu ka guuleystay Maxamed Xuseen Tahliil (Calool-geel.

Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa noqonaya Maamulkii ugu horeeyey ee soo doorata Xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka.

Waxaana weli socda doorashada xubnaha kale ee aqalka sare.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open