Maleeshiyada Alshabaab Oo Maanta Dhacay In Ka Badan 100 Neef Oo Geel Ah Isla Markaasina Gubay Ceel Biyood Ku Yaalo Deegaanka Fida-Carooti Ee Gobolka Sh/hoose

Maleeshiyada Alshabaab ayaa maanta si lama filaan ah ugu soo xoomay deegaanka Fidacarooti oo ku yaalo duleedka bari ee degmada Lambar50 ee gobolka Sh/hoose.

Maafiyada AlShabaab ayaa kaxeystey/qunsaday in ka badan 100 neef Geel ah oo biyo ka cabaayey Ceelka Fida-Carooti, waxayna maleeshiyada Shabaab dab qabadsiiyeen Ceel Biyoodka kaliya ee dadka deegaanka iyo xoolaha biyaha ka cabi jireen.

Kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay ficiladan xun xun ee ay kulala dhaqmayaan shacabka xoolaleyda ah ee beesha Biimaal, waxay Shabaabka aminsan yihiin in Ficiladan ay ku qasbi doonto beesha Biimaal inay u rukuucaan awaamirta argagaxisada Alshabaab oo aan xiligan ka dhaqan geli karin deegaanada beesha degto.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah ficilada xun xun ee argagaxisada Alshabaab ku dhaqmayeen maalmihii la soo dhaafay inay afduubteen 4 gaari rakaab ah oo qaarkood Caano u waday Muqdisho halka qaar kalena ay ahaayeen gaari siday Xujey ka soo laabatay gudasha Xajka oo ku socotay magaalada Marka.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa ficiladan xun xun ee ay kula dhaqmayaan shacabka beesha Biimaal bilaabay kadib markii beeshan ay ka soo horjeesatay inay u hogaansato Awaamir Alshabaab soo saartay oo ahayd in ciidamada beesha Biimaal ee ku sugan magaalada Marka ay hubka dhigaan isla markaasina Alshabaab ku soo biiraan.

 

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open