Dagaal Culus Oo Caawa Ka Soconayo Deegaanka Muuri Ee Gobolka Sh/hoose

Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Muuri iyo maleeshiyada Alshabaab ayaa xiligan ka soconayo deegaanka Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ka socdo Muuri ayaa bilowday kadib markii maleeshiyada Alshabaab oo ka soo baxay deegaanka Mareereey iyo Sabiid ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen saldhig ciidamada maamulka deegaanka ay ku leeyihiin halkaasi. Ciidamada maamulka Muuri oo markii hore kaligooda iska caabinayey weerarka kooxda Shabaab ayaa waxaa goordhow soo gaaray gurmad xooggan oo ka yimid saldhigyo kale oo ciidamada deegaanka ay ku leeyihiin gobolka Sh/hoose.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa isla markii ay soo galeen Muuri dab qabadsiiyey mid ka mid ah guryaha shacabka oo bartilmaameed u ahaa.

Dhanka kale, maanta gelinkii dambe waxaa uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Saliini ee gobolka Sh/hoose, waxaana deegaanka Saliini oo saldhig u ahayd kooxda Shabaab weerar culus ku qaaday ciidamada maamulka degmada Lambar50 oo baacsanaayey Geel tiro badan oo shaley ay dhaceen maafiyada Alshabaab.

Alshabaab ayaa soo qaadatay qandaraaskii dhulboobka ee dowladda Xasan Culusow ay ku fashilantay kaasoo ah in mooryaantii 25-sano xoogga ku haysatay beeraha shacabka Sh/hoose loo difaaco Aseendooyinka ay xoogga ku haystaan taasoo dadka deegaanka ay si adag u diidan yihiin.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa Xiliyada habeenkii qaab dhuumaaleysi ah u soo qaado weeraro fuleynimo oo hadafka ay ka leeyihiin aysan garaneynin sida deegaanka Muuri oo xataa haddii caawa ay qabsadaan berri aysan joogi karin.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open