Deg Deg Nabadoon Siidcali Sokeeye Iyo Axmed Baalow Oo Meydkooda Laga Helay Deegaanka Saliini

Waxa goor dhow laso qaaday Meydadka Allah u naxristee Nabadoon Siid cali Sokeeye iyo Axmed Xasan Cilmi (Baalow) oo maalmahan gacanta ugu jiray Maleeshiyada argagaxisada ah ee Shabaab.

Labada ruux oo muddo seddax maalmood ah gacanta ugu jirey Maleeshiyada Alshabaab ayaa saake Meydadkooda waxa lasoo dhigay deegaanka lagu magacaabo Saliini oo duleedka ka ah degmada Nambar 50.

Marxuum Axmed Xasan Cilmi (Baalow) oo maalintii khamiista laga qabtay meel ku dhow deegaanka Buushka isagoo waday Gaari uu saarnaa qof dhaawac ah ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Beesha Biimaal kuwooda ugu firfircoon.

Nabadoon Siidcali Sokeeye oo isagana ka mid ahaa Nabadoonada Beesha Biimaal ayaa maalintii jimcaha lagala degay Gaari Saarif ah oo ay saarnaayeen Xujey kusii jeeday magaalada Marka.

Xujeyda ayaa shalay lasii daayey halka gaariga lagala haray, darawalka, kirirshbooyga iyo Nabadoonka saake Meydkiisa lasoo dhigay wadada.

Weli Maleeshiyada Shabaaba ayaa waxay gacanta ku hayaan dad badan oo kasoo jeeda Beesha Biimaal iyo Baabuur laga leeyahay Shabeelada hoose, mana lagaranayo halka ay ku maqanyihiin ilaa imin ka raq iyo ruux

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open