Diyaarad Nooca Wax Basaasa Ah Oo Kusoo Dhacday Deegn Ka Tirsan Jubada Hoose

Wararka ka imanaaya deegaanada Jubada hoose ayaa ku waramaya in diyaarad nooc wax basaasa ah ay ku dhacday halkaasi.

Deegaanka qiyaas ahaan 45 km u jira magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa in ay kusoo dhacday diyaarad nooca yaryar ah ee loo adeegsado basaaska.

Maleeshiyada argagaxisada ah ee Shabaab ayaa war ay ku faafiyeen barahooda Internetka ku sheegay in ay heleen diyaarada, maadaama deegaanka ay kusoo dhacday ay maamulaan.

Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradan hase ahaatee inta badan deegaanada ay maamulaan Shabaab waxa kusoo dhaca diyaarado basaas.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open