Kulan Deg Deg Ah Oo Ka Socda Degmada Nambar 50 Iyo Xaalada Deegaanka Oo Waji Cusub Gashay

Degmada Nambar 50, oo maanta lagu aasay Allah u naxriistee Seddax marxuum oo kasoo jeeda Beesha Biimaal ka dib markii dadkaasi ay dileen Maleeshiyada Shabaab ayaa waxa ka socda kulan deg deg ah.

Kulanka oo goordhow furmay ayaa waxa wada yeelanaya Maamulka guud ee deegaanka iyo Saraaiisha Ciidamada waxaana looga hadlayaa xaalada deg deg ah ee deegaanka kusoo korortay.

Shirka oo albaabada u xiranyahay ayaa warar hoose ee aan heleyno waxa ay sheegayaan in laga tashanayo sida laga yeelayo xaalada murugsan ee soo wajahday Shacaba Beesha Biimaal oo la kulmaya dhibaatooyin culus.

Gudomihya degmada Nambar 50, oo shalay kulan wadatashi ah la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo saraaiilka qeybaha Ciidamada ayaa ka wada hadlay dagaalka wajiyada cusub leh ee Beesha Biimaal ku socda.

Dhanka kale waxa jira xaalada kacsanaan ah oo ka jirta deegaanka Muuri ilaa magaalada Marka, waxaana dadka shacabka ah ay hadal hayaan dilalka iyo dhaca deegaanka ay ka wadaan Maleeshiyada Shabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open