Man United Oo Sarre U Qaaday Cerysashada Antoine Griezmann, Waxayna Doonayaan Inuu U Bedelo Wayne Rooney

Manchester United ayaa dooneysa inay Antoine Griezmann ka dhigto bedelka Wayne Rooney sida ay qortay maanta Sunday Mirror.

Madaxda kooxda Old Trafford ayaa aaminsan in 25 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid inuu la wareegi karo booska  kabtanka uu cadaadiska saaran yahay ee United.

Sunday Mirror ayaa bishii hore shaacisay xiisaha United ee xiddiga reer France laakiin tan iyo markaas wadahadalo kale oo dheeri ah ayaa la qabtay iyadoo maamulaha kooxda Ed Woodward uu cadeeyay in xiddiga lagu qiimeeyo 80ka milyan ginni inuu yahay saxiixooda weyn ee xiga.

football-soccer-spanish-liga-santander-atletico-madrid-v-sporting

Haddii uu Griezmann u wareegi Old Trafford waxa ay la micno tahay in waqtigii Wayne Rooney ee United inuu soo dhamaaday.

Inkastoo tababaraha United Jose Mourinho uu taageersan yahay Rooney oo kursiga keydka ku soo bilowday seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee United, hadana ma arko in kabtankiisa uu mustaqbal dheer ku leeyahay Old Trafford.

Waxa ay u badan tahay in Rooney fursad loo siin doono inuu heshiis qaali ah ugu wareego midkood Shiinaha ama Mareykanka marka Griezmann la soo xerogeliyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open