Cabdikhadar Faarax Shaaciye Oo Ka Mid Ahaa Aqalka Sare Ee Puntland Oo Iska Casilay Musharaxnimada Xubinimada Aqalka Sare (Video)

Cabdikhadar faarah shaaciye oo kamid ahaa musharaxiinta lashaciyey maanta ee u tartamayey aqalka sare ee barlamanka somaliya una matalayey puntland ayaa iska casilay musharax nimada xubinimadasi.

Cabdiqadar faarax shaaciye waa aqoonyahan reer Puntland ah degan wadan Mareykanka magaalada (Minneapolis) ayaa dhawaanaha ku sugnaa wadanka somaliya gaar ahaan magaalada garoow Cabdiqadar ayaa qaadacay CAD QUUREEDKII ka dib markey beeshiisa REER MAXAMUUD qeybaheeda kala duwan kula taliyeen inuusan CAD QUUREEDKAAS u tartamin wuuuna ka yeelay.

Cabdiqadar ayaa la yaabay markii la yiri la tartan beelo kale ee aan ahayn beesha reer maxamuud.sidoo kale wuxuu la yaabay dhaqanka xun ee beesha maxamuud saleebaan kusoo kordhiyeen ee ah nalama tartami karo laakiin idinka waa la idinla tartami karaa.

Hadaba waxaa yaab ah in uu sida u dhaqmo dr gaas.odayaasha beesha REER MAXAMUUD waxa uu dr gaas hore uga balan qaaday in xubin aqalka sare ah uu siinayo,waxa uuna cida u sheegay in cabdiqadar iska shaqaysanaya uu yiri ninkaa reer maxamuudoow ii keena waliba isagaan jeclahay oo saaxiibo in aan xubinta aqalka sare u magacaabee, beeshu waa tashatay wayna isku raaceen ninkaa oo gudoon sadeen. cabdiqaday waxa uu yimid puntland isagoo waqti badan joogay dr gaas arintii beesha uu kula heshiiyay waa kabaxay waana laalay beeshuna way qaadacday in ay dib u horfariistaan cid aan aamin ahayn oo aan xajin Karin qawl hore iyo balan toona. Mana qabato beesha dulmigaa iyo gafkaa iyo gabood falkaa foosha xun ee dr gaas kula kacay si bareera ah beesha.

Beesha reer maxamuud ayaan labada aqalka waxba ku lahayn halka beesha maxamuud saleebaan la gaar noqdeen 7 Xubnood aa aqalka hoose iyo 3 xubnood ee aqalka sare.

Waxaad moodaa in aan wali soomaalidu ka bogsan maskaxdii waayadii gaboobay,oo ah habmaamulkii dunida kajiray 1945-1960 oo ahaa wax walba aniga ANIGA aniga aniga. taasoo macnaheedu yahay inta saldanada haysataa in ay si horar ah ula gaar noqoto waxa ka dhexeeya umada oo ah dhaqaalaha wadanka qaybisigiisa iyo wadaaga siyaasada dalka.waxaan shaki ku jirin taasi inay keentay in dalakoodii intay kasoo baqoolaan ragii fikirkan qabay ay boobaan oo xadaan kheeraadka wadamo kale,taasoo ay ku yimaadeen kuna dhaceen dahabkii iyo macdandii qaarada afrika.

Waxaan shaki ku jirn in ay isku laayeen boobkii qaarada afrika kuwa aamin sanaa wax walba aniga ANIGA.tusaalena waxaa inoogu filan markay isku laayeen soomaaliya oo ay u kala qaybiyeen shan qaybood.aakhirkii waxay ogaadeen in umada aan sidan lagu sii wadi karin ayaguna ay luminayaan saldanadooda.si taaloo helo waxaa loogudbay habwadaag ah oo talada laga soo qayb galinayo cidwalba oo wadani ah waana jidka ay kuliibaaneen.hantida iyo dhaqalaha dalalkoodana waxay u qabsadaan si garbo siman ah xaga dhaqaalha iyo xaga siyaasada,ee cidna xidh lama gasho lamana dhuumato.
nasiibdaro dadka soomaaliyeed wali waxaa jira inbadan oo ay ka guuxayso wax walba aniga ANIGA.ayagoo haysta raad raacii gumaysigu inooga tagay aamin sanaa xili hore fikirka aniga..

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran