Dowladda Ciraaq Iyo Isbaheysiga Mareykanka Hogaaminayo Oo Weerar Culus Ku Qaaday Magaalada Mosul Oo Ay Haystaan DAACISH

Ciidamada dowladda Ciraaq iyo Isbaheysigooda ayaa ku sii siqaya magaalada Mosul oo muddo gacanta ugu jirtay kooxda xagjirka ah ee ISIS ama Daacish.

Warar horudhac ah oo kasoo baxay ciiddowladda Ciraaq  ayaa sheegaya in 60 kun oo askari ay ka qayb qaadanayaan qabashada magaalada Mosul oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn dalka Ciraaq.

Ururka DAACISH ayaa lagu soo waramayaa inay dab qabadsiiyeen ceelashii shidaalka ee ku yaalay deegaanada Xamdaniya si ay u hakiyaan weerarka ciidamada Ciraaq.

Wasiirka Gaashaandhigga Ciraaq ayaa sidoo kale sheegay in la xoreeyey tuulooyin badan oo ay gacanta ku hayeen kooxda DAACISH.

Ugu dambeyn, ciidamada Kurdiyiinta ee Peshmerga ayaa dowladda gacan ka siinaya xoreynta magaalada Mosul oo ah meesha ay kooxda Daacish ugu xooga badnaayeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open