Gudoomiyihii Gobolka Shabeelada Dhexe Oo Loo Doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabelle

Cali C/hi Xuseen (Guudlaawe) oo u tartnayey xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Cusub ee Hirshabelle ayaa ku guuleystay doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe oo la tartamayey Musharaxa Cali Xasan Taakow ayaa kaga guuleystay codad gaaraya ilaa 86 cod halka musharaxa kale ee la tartamyey uu helay 10 cod.

Doorashada maanta ka dhacday Xarunta Gobolka Shabeelada dhexe ee Jowhar ayaa aheyd mid aad isha loogu haayay, waxaana lagu doortay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa.

Shakhsiga loo doortay Madaxweyne ku xigeenka ayaa horey ugu magacaawnaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada dhexe waxaana dhawaanahan uu dadaal ugu jirey in Magaalada Jowhar ay ku qabsoonto doorashada Maamulka labada Gobol Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open