Maamulka Hir-Shabeelle Oo Yeeshay Madaxweyne Iyo Madaxweyne Kuxigeen

Waxaa galabta magaalada Jowhar ka dhacday doorashada madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle. Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo tiradooda gaareyso 98-Xildhibaan ayaa soo xaadiray Hoolka doorashada ay ka dhaceysay.

Waxaa doorashada madaxweynaha Hir-Shabeelle u tartamayey labo murashax oo kala ah: Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa helay 61 cod halka Maxamed Cabdi Waare uu isagana helay 36 cod ee tirada guud ee xildhibaanada soo xaadirtay oo ahayd 98 mudane.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo helay 61 cod ayey sidaasi guusha ku raacay, wuxuuna noqday Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee ka kooban Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale, waxaa isla galabta la doortay Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hir-Shabeelle oo loo doortay  Cali Cabdullaahi Xuseen oo loo yaqaano Cali Guudlaawe isla markaasina horey u ahaa gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open