Maleeshiyada Shabaab Oo Caawa Madaafiic Ku Weerartay Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Nambar 5o ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in halkaasi lagu weeraray madaafiic.

Wararka aan heleyno ayaa xaqiijinaya in Madaafiic dhowr ah oo laga soo tuurey duleedka Bari ee Nambar 50 ay kusoo dhaceen xaafado ku yaala degmada.

Madaafiicda oo leysku khilaafsan yahay tiradooda ayaa kusoo dhacay goobo kala duwan, waxaana inta badan ay ku dhacen meel ku dhow Saldhiga.

Dad ku sugan Magaalada Namabar 50, ayaa sheegay in tirada Madaafiicda ay u dhaxeysay 8-11, oo kusoo kala dhacay laamiga iyo Saldhiga.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay Madaafiicda laga soo tuurey duleedka Bari ee Degmada Nambar 50, waxaana heegan buuxa ku jira Ciidamada deegaanka oo sugaya weerar dhulka ah oo ay soo qaadaan Maleeshiyada Shabaab.

Kooxda duur ku jirta ee Shabaab ayaa bilaabay dagaal wajiyo badan leh oo ay kusoo qaadayaan deegaanada beesha Biimaal, waxaana jira heshiis ay kala saxiixdeen Mooryaanta xooga ku haaysata Beeraha iyo Shabaab oo ku aadan qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda Beeraha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open