Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Manchester United, Wayne Rooney Oo Wali Kaydka Ku Jira, Sturridge Oo Hogaaminaya Safka Weerarka Reds Iyo Emre Can Oo Ku Soo Bilawday

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaynaysa kooxda uu xifitanka taariikhiga ahi ka dhexeeyo ee Manchester United, waana kulanka England ugu wayn isla markaana ay ku xifiltamaan labada kooxood ee ugu guulaha badan horyaalka Ingiriiska. Xisihii kulanka Liverpool iyo Manchester United waxaa xili ciyaareedkan sii laba jibaari doona in Jose Mourinho uu hogaaminayo Red Devils isla markaana Jurgen Klopp uu Mourinho markii ugu horaysay kaga hor iman doono Anfield isaga oo Man United macalin u ah.

liverpool-and-man-united

Waxa kale oo kulankan Liverpool iyo Manchester United xiiso gaar ah u yeelaya in la ciyaarayo isniinta isla markaana ayna jirin kulamo waa wayn oo kale oo Yurub laga ciyaarayo taas oo la micno ah in aduunka oo dhan si buuxda looga daawan doonayo kulanka Anfield. Koobka loo tartamayo ee Premier Leaque ayaa 8:00 MP la soo gaadhsiiyay Anfield iyada oo hadba garoon la geeyo.

1476724863003_lc_galleryimage_a_general_view_of_the_pre

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa goolkiisa ku soo bilaabay Loris Karius isaga oo wali Klopp kaydka ku sii haya Mignolet , waxaana afarta difaaca ah ka wada ciyaari doona Clyne, Matip, Lovren, Milner, iyada khadka dhexe ay qaybsan doonaan Henderson, Emre Can iyo Coutinho,xidiga ree Germany ee Can ayaa badlaay Wijnaldum oo kulankan dhaawac ku seegay  halka safka weerarka uu hogaamino  Daniel Sturridge.

cu_qg-aw8aaay-1

Dhinaca Manchester United tababaraha Jose Mourinho ayaa sidii caadada ahayd goolkiisa ku soo bilaabay  David De Gea waxaana afarta difaaca ah ka wada ciyaari doona, Valencia, Bailly, Smalling iyo Blind iyada khadka dhexe ay qaybsan doonaan Fellaini, Pogba iyo Herrera  halka safka weerarka uu hogaamino Ibrahimovic oo caawin ka heli doona Marcus Rashford iyo Ashley Young.

cu_pt0pxgaaiac7

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

LIVERPOOL: Karius, Clyne, Matip, Lovren, Milner, Henderson, Can, Coutinho, Firmino, Mane, Sturridge

KAYDKA: Mignolet, Moreno, Klavan, Lucas, Grujic, Lallana, Origi

MAN UNITED: De Gea, Valencia, Bailly, Smalling, Blind, Fellaini, Pogba, Rashford, Herrera, Young, Ibrahimovic

KAYDKA: Rojo, Mata, Rooney, Lingard, Carrick, Romero, Shaw.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open