Beesha Biimaal Oo Ku Hungowday Wasiir Cabdalle Xuseen Oo Karti Xumo Iyo Aqoon La’aan Isku Darsaday

Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhiga xukuumada fedaraalka ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey Karti xumo iyo aqoon la’aann ka dib markii uu ku fashilmay shaqadiisa.

Cabdalle Xuseen Cali oo seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ku magacaawnaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa  si magac u yaal ah u haayo xilka, maadaama uusan qabanin shaqooyin ama ficillo la taaban karo.

Wasiir Cabdalle ayaa Beesha Biimaal ku matala Baarlamaanka fedaraalka, waxaana uu ka mid yahay xubnaha ugu magaca leh isagoo la sheego in uu kalsooni ka haaysto Kooxda Damul-jadiid, waa shakhsi isku darsaday aqoon la’aan iyo karti xumo taas oo sababtay sida ay dad badan qabaan in Beesha Biimaal ay ku hungowdo.

Beesha Biimaal ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay waxa ku furnaa dagaal culus oo ay qeyb ka ahaayeen Maleeshiyaad ka tirsanaa Wasaarada uu ku xigeenka ka yahay, waxaana maatida uu Wasiirku ku matalo Dowlada, lagu barakiciyey saanad loogu talagalay in dalka looga xoreeyo cadowga Soomaaliyeed hase ahaatee loo adeegsaday ku dhibaateynta Beesha Biimaal.

cabdalla xuseen

Sida la aaminsanyahay Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhiga Cabdalla Xuseen Cali ayaa xilkan ku helay is hubeynta Beeshiisa, waxaana uu gabay shaqadii laga filayey iyadoo taas bedelkeeda uu ku mashquulsanyahay shaqooyin wax u dhima Shacabka Beesha Biimaal.

Inta badan looguma baran in uuka hadlo dagaalada gardarada ah ee lagu haayo Beesha Biimaal, waxaana dhawaan la arkay Wasiir Cabdalle oo ku faanay guul wax badan la filanayey, ka dib markii Ciidamada deegaankal ay qabsadeen hub fara badan oo ay wateen Maleeshiyada Shabaab.

Dadka aaminsan siyaasada xumida qaar ka mid ah Xildhibaanada Beesha Biimaal ugu jira dowlada fedaraalka ayaa hadalka uu warbaahinta siiyey Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhiga ku sheegay mid aanu ka fiirsan, maadaama Cabdalle iyo saaxiibadiis weligood ay dhaliili jireen Ciidamada deegaanka ku sugan

Dhawaan xaflad uu soo abaabulay Cabdalle Xuseen Cali ayuu ku shaaciyey in uu yahay musharax mar kale u taagan kusoo noqoshada xidhibaanada Baarlamaanka cusub, waxaana soo noqoshadiisa la tilmaamayaa in ay wax badan soo kordhineyn maadaama karti xumadiisa Beesha ay dhigtay meel hoose.

Waxqabadka la taaban karo ee lagu xasuusto Cabdalle Xuseen Cali ayaa noqonaya in sanadii 2014-ka magaalada Marka uu geeyey Maleeshiyaad ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga,waxaana ay ku guuleysteen  Maleeshiyaadkaasi in ay af gembiyaan Maamulkii Gudoomiye Yariisow.

Wasiir ku xigeenka ayaan heli doonin hal fursad oo uu kusoo laaban karo hadii lagu soo laabanayo fursadaha uu kaga faa’ideeyey Beeshiisa, sabatoo ah kursiga uu ku fadhiyo ayuu ku helay awood qeybsiga Soomaalida ee 4.5 ama habka Beelaha.

La Soco Wareysiyo aan ku falanqeyn doono waxqabad la’aanta iyo kartida liidata ee uu ku caan baxay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran