Maleeshiyada Alshabaab Oo Qabsaday Inta Badan Degmada Afgooye Iyo Ciidamada DF Oo Kala Cararay

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa waxay galabta qabsadeen qaybo badan oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Alshabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan dowladda Federalka oo aan looga baranin inay iska difaacaan weerarada maleeshiyada Alshabaab.

Waxaa si horudhac ah loo xaqiijiyey dhimashada Maxamuud Daahir Qooleey oo ka tirsanaa Mooryaan dhibaato ba’an ku haysay shacabka degmada Afgooye. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey geerida Sarkaal lagu sheegay inuu Booliis yahay oo magaciisa lagu soo koobay Axmed Gorod.

Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa caawa la arkaayey iyagoo isku diyaarinaayo inay gudaha u galaan degmada Afgoye oo Maleeshiyadii dowladda ay iskaga soo baxeen.

Xaafadaha degmada Afgooye ayaa waxaa ka jiro Bandow si  iskeeda ah ay isku saartay magaalada, waxaana laga maqlayaa dhawaqa rasaasta culus oo ay magaalada ku soo ridayaan maleeshiyada dowladda Federalka oo banaanka ka taagan.

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Najax oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa beeniyey in Alshabaab gacanta ku dhigeen degmada Afgooye.

Waxay caawa hubanti la’aan ka jirtaa cidda gacanta ku hayso Afgooye iyadoo Maleeshiyada Alshabaab ay weli sheeganayaan inay iyaga maamulayaan degmada Afgooye.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open