Akhriso Magacyada Iyo Beelaha Ay Kasoo Kala Jeedaan Horjoogayaashii U Dhashay Gobolka Mudug Ee Shalay Ku Le’dey Dagaalkii Afgooye

Dagaal culus oo shalay ka dhacay degmada Afgooye ayaa waxa khasaare xoogan uu kasoo gaaray Maleeshiyaad iyo horjoogayaal kasoo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug, waxayna mooryaantan u taalay Afgooye isbaaro lacago baad ah ay kaga qaadan jireen Shacabka Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeelada hoose.

Horjoogayaasha oo derejooyin kala duwan oo been abuur ah is huwiyey ayaa goob ay ku qayilaayeen lagu qarxiyey Gaari Caasi ah oo uu waday ruux isa soo miidaamiyey, waxaana xigay dagaal toos ah oo halkaasi ka dhacay.

Hoos ka akhriso Liiska mooryaanta Isbaaroleyda ahayd ee shaley ku halaagsamay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Afgooye:

  1. Horjooge Axmed Cabduqadir Cabdulle Gorod – Habargidir/Sacad.
  2. Horjooge Xasan Cabdulle boqol – Duduble (wuxuu ninkan lagu naaneyso Boqol uu ahaa farsamo yaqaan ku xeeldheer cilad bixinta qoryaha nuucyadooda kala duwan).
  3. Horjooge Cali karadhi -Habargidir/Sacad.
  4. Cabdifitaax Axmed Cartan Gaani Gorod – Habargidir/Sacad.
  5. Dagaal-ooge Maxamuud Dahir Faarax Qooleey – Habargidir/Saleebaan.

Waxa la aaminsanyahay in dagaalkii ka dhacay degmada Afgooye in ay ku dhinteen ku dhawaad 40 askari, laguna qabsaday in ka badan 15, gaari oo nooca dagaalka ah oo ay wateen Maleeshiyada Galmudug ee magaca Dowlada ku haaystay Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open