Akhriso Xubnaha Aqalka Sare Ee Maamulka K/galbeed Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Baydhaba (Sawiro)

Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta u codeeyey xubnaha aqalka sare ee u matali doona Dowlada fedaraalka.

Codeynta oo sacdooyin dhowr ah qaadatay ayaa waxaa kusoo baxay ilaa sideed xubnood 0o qaarkood ay la tartamayeen laba xubnood oo kale, waxaana casir liiqii maanta lasoo saaray Liiska oo dhameystiran.

Xubnaha sideed ah ee aqalksa ee maanta lagu doortay magaalada Baydhaba ayaa waxa ku jira laba Xubnood oo Haween ah. `halkan hoose ka aqriso magacyada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan xubnii maanta la doortay

             1-Cabdikaafi Macalin Xasan (Digil -Garre)
2-Xuseen Cali Xaaji Cabdalla (Dir Biimaal)
3-Zamzam Ibraahim Cali (Digil Jiido)
4-Timiro Maxamed Cali (Mirifle -Boqol Hore)
5-Xuseen Sheekh Maxamuud (Mirifle- Hadamo)
6-Aadan Cabdi Aadan (Mirifle-Leesaan)
7-Ilyaas Cali Xasan (Mirifle- Eelay)
8-Cabdulaahi Cabdi Jabriil (Galeddi)

Maamulka K/galbeed ayaa ku biiray Maamulka Galmudug oo horey usoo gudbiyey xubnaha aqalka sare ee Maamulkaasi, waxaana isla maanta sdioo kale lasoo dhameystiray doorashada Aqalka sare ee Maamulka Jubbaland.

baay baay1 baay2 baay3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open