Ciidamada Deegaanka Oo Howlgal Cusus Ka Wada Shabeelada Hoose Iyo Kooxda Shabaab Oo Deegaano Hor Leh Lagala Wareegay

Ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal ayaa maanta howlgallo cuslus waxa ay ku qaadeen deegaano kala duwan oo ay maamulaan Maleeshiyada Shabaab ee dhawaan heshiiska la saxiixday Mooryaanta Habargidir.

Howlgalada oo bilowday saake aroortii ayaa Ciidamada deegaanka waxay kula wareegaan deegaanada kala ah, Bariire, Balan, Gar-diidka iyo kuwo kale oo duleedka ka xiga degmada Janaale.

Sida ay Markacadey.com u xaqiijiyeen saraakiisha Ciidamada ee howlgalka horkacadeysa, waxa jirey xogo badan oo ay ka hayeen goobaha ay ku weerareen Maleeshiyada Shabaab oo dagaalo wajiyo kala duwan leh kula jirta Shacabka Beesha Biimaal.

Dagaalada saake ayaa waxa jira khsaare xoogan oo la gaarsiiyey Shabaabka lagu weeraray deeganaada ay maamulayeen, waxaana la xaqiijiyey in mid ka mid ah gaadiidka Dagaalka looga gubay deegaanka Gardiidka.

Howlgallada oo weli socda ayaa laga yaabaa in Ciidamada ay gaaraan deegaano kale oo hor leh oo ku suganyihiin Shabeeb,  halka sidoo kale ay dhici karto in howlgalka lasoo gabagabeeyo.

Kulan maalmo ka hor ka dhacay degmada Nambar 50, ayaa saraakiisha Ciidamada deegaanka iyo Maamulka ku iclaamiyeen howlgal ka dhan ah Isbaheysiga ka kooban Mooryaanta beeraha xooga ku joogta iyo Maleeshiyada Shabaab, waxaana jiray dagaalo culus oo lagu qaadayey goobaha ay maamulaan kooxahan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open