Deg Deg Xildhibaan Nadiir Oo Ku Guuleystay Mudanaha Aqalka Sare Beesha Biimaal Ee Maamulka Jubbaland

Xildhibaan Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo u tartamayey xubinta aqalka sare ee Beesha Biimaal kaga soo aaday Maamulka Jubbaland ayaa ku guuleystay kursiga.

Nadiir ayaa la tartamyey Aadan Maxamed Axmed oo horey u ahaa Ugaaska guud Gobolada Jubbooyinka ee Beesha Biimaal.

Xildhibaanada codeeneysay ayaa tiradooda waxay gaarayeen 86, mudane,  Guuleyste Nadiir ayaa helay ilaa 40 cod halka laga guuleystaha Aadanow Maxamed Axmed uu helay 26, cod, waxaana kursiga Beesha Biimaal ee uga mid noqonaya aqalka sare ee Gobolada Jubbooyinka ku guuleystay Xildhibaan Axmed Macallin Cmar (Nadiir).

Xildhibaan Nadiir oo  ka mid ahaa Xildhibaanada Maamulka K/galbeed ayaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta si aadka ah uga soo horjeeda bur burka xaga dhaqanka ee Beesha Biimaal, waxaana lagu xasuustaa dagaal badan oo uu ugu jirey sidoo looga hortagi lahaa dhaqan boobka ku sucday Dhaqanka Beesha.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open