Maleeshiyada Alshabaab Oo Dagaal Looga Saaray Deegaanka Bariire Ee Gobolka Sh/hoose

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayo in saakey dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka degmada Lambar50 iyo maleeshiyada Ururka Alshabaab uu ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.

Dagaal muddo kooban socday kadib ciidamada maamulka Lambar50 waxaa u suurta gashay inay xoog uga saaraan Shabaabkii deegaanka Bariire ku sugnaa. Deegaanka Bariire oo u dhexeeyo degmooyinka Awdheegle iyo Lambar50 ayaa waxay ahayd goobaha Alshabaab ay ka soo abaabuli jireen Weeraro dhowr ah oo lagu soo qaaday degmada Lambar50 iyo deegaano hoosyimaado.

Dhanka kale, Baabuur siday tiro maleeshiyo Alshabaab ah oo maraayey deegaanka Garadiidka ayey ciidamada gubeen iyagoo la beegsaday Saalbooyinka garbaha laga tuuro, waxaana gabi ahaan la baabi’iyey gaarigaas iyo wixii saarnaa. Deegaanka Garadiidka wuxuu dhanka Wabiga kaga beegan yahay deegaanka KM60 ee gobolka Sh/hoose.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha soo kala gaaray ciidamada dagaalamay, waxaana weli dhawaqa rasaasta laga maqlayaa duleedka Awdheegle oo ay ay rasaas isku weydaarsanayaan ciidamada maamulka Labmar50 iyo maleeshiyada Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open