Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulamadii Xalayto La Ciyaaray Wareega Group-yada Champions League

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haatan dhaliyay sagaal gool sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay kooxda Borussia Dortmund kulankii ay xalayto 2-1 kaga badiyeen Sporting Lisbon.

Gareth Bale ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Champions League tan iyo bishii December 2014, waxa uu soo gabagabeeyay 15 kulan oo Champions League oo ay abaar dhanka goolasha heysay kulankii ay xalayto Real 5-1 ku xasuuqday Ludogorets.

Markii ugu horeysay muddo 14 sannadood ah, seddex ciyaartoy oo kala duwan oo Isbaanish ah ayaa hal kulan oo Champions League goolal u dhaliyay Real Madrid – Marco Ansensio, Lucas Vazquez iyo Alvaro Morata.

Goolhaye Gianluigi Buffon ayaa xalayto badbaadiyay rigooradiisii ugu horeysay ee waqtiga caadiga ah ee kulan Champions League ah tan iyo bishii May 2003 markaasoo uu rigoore ka badbaadiyay Luis Figo oo u ciyaarayay Real Madrid.

Riyad Mahrez ayaa si toos ah uga qeyb qaatay afar ka mid ah shantii gool ee ay Leicester City ka dhalisay Champions League xilli ciyaareedkan (seddex gool iyo hal caawin).

Leicester City ayaa noqotay kooxdii shanaad ee taariikhda Champions League ee badisa seddexda kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka, waxa ay raaceen kooxaha AC Milan (92/93) Paris SG (94/95) Juventus (95/96) Malaga (12/13) Leicester (16/17)

Kooxda Leicester City ayaa 9 dhibcood ka heysata Champions League xilli ciyaareedkan waana in ka badan inta ay ka heystaan xilli ciyaareedka Premier League oo ah sideed dhibcood.

uefa-champions-league-2016-17

Iker Casillas ayaa badiyay kulankiisii 92aad ee Champions League waana rikoor cusub, waxa uu dhaafay Xavi oo ahaa ciyaaryahankii abid ugu goolasha badnaa kulamada Champions League.

Juventus ayaa la siiyay kaarkoodii 22aad ee casaan ah tartanka Champions League, waana in ka badan 5 kooxaha labaad ee casaanka ugu badan qaatay, iyadoo 17 casaan ah la siiyay kooxaha kala ah Inter Milan, Arsenal & Bayern Munich.

Goolhaye Keylor Navas ayaa laga dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Champions League isagoo ku ciyaaraya Santiago Bernabeu, waana todobo kulan oo uu ku ciyaaray garoonka kooxda Real Madrid.

Waxaa Qoray: Saed Balaleti

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open