Xuseen Cali Xaaji Oo Ku Guuleystay Kursiga Aqalka Sare Maamulka K/galbeed Ee Beesha Biimaal

Cabdulaahi Maxamed Cabdi (Bangeeni) iyo Xuseen Cali Xaaji oo kasoo wada jeeda Beesha Biimaal ayaa u taagnaa tartanka xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka fedaraalka.

Labadan xubnood oo ka socday Maamulka Koonfur gaolbeed ayaa sidii la filayey aanan galin wax tartan ah, waxaana codeynta ka hor tanaasulay Cabdulaahi Bangeeni si booska uu ugu soo baxo Xuseen Cali Xaaji Cabdalle.

Xuseen Cali Xaaji ayaa soo labeeyey Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo ku guuleystay doorasho ka dhacday jubbooyinka, waxaana Beesha Biimaal guud ahaan xubnaha aqalka sare ay ka heshay laba xubnood oo laga soo kala doortya Maamulada Jubbaland iyo Koonfurgalbeed.

Kursiga Beesha Biimaal ee K/galbeed ayaa la saadaalinayey in uu kusoo baxo shakhsi si aad ah ugu dhow Ibraahin Cali Xaaji, oo hada xilligan aan gali karin doorasho maadaama laga sugaayo dhismaha Xildhibaanada Beesha Biimaal, waxaana kursigan si kumeel gaar ah usii haayn doona Walaakiis oo maanta loo tanaasulay.

xuseen

Xuseen Cali Xaaji ayaa Maamulka Koonfur galbeed ka haayey laba jago oo kala ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Xubin ka tirsan Baarlamaanka.q

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open