Ciidamada Deeganka Oo Howlgallo Culus Ka Wada Deegaano Duleedka Ka Xiga Ceelwareegow Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal ayaa maanta howlgallo ka wado deegaano dhowr ah oo ku teedsan duleedka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelada hoose.

Holgalka oo ay ka qeyb qaadanayaan saraakiil iyo qurabaro ka tirsan deegaanka ayaa maanta lagu qaaday deeganada kala ah Sagaaroole, Busley iyo deegaano dhul beereed ah oo ay xoog ku haaystaan Isbaheysiga Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyada Shabaab.

Warar hordhac oo aan heleyno ayaa sheegaya in howlgalka lagu bartilmaameedsaday goobo cayiman oo lagu tuhunsanaa in ay ku sugnaayeen kooxaha hogaamiya weerarada lagu soo qaado deegaanada Beesha Biimaal ee ku yaala wadad dheer ee laamiga ah.

Goobaha sida gaarka ah looga soo qaado weerarada ayaa waxa ka mid ahaa dhul beereedka ku yaala deegaanka Buslay oo ay xoog ku haaystaan Mooryaan dhulka kusoo duushay, waxaana maanta inta badan dhulkaas ka dhacay howlgallo qorsheysanaa.

Ciidamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan weeraro ay qorsheenayeen isbahaysigan cusub, waxaana taas ay keentay in weeraro ay ka dhacaan goobo ay maamulaan Shabaabka.

Shalay ayaa dagaalo lagu qaaday deegaanada kala ah Bariire,Gardiidka iyo kuwo kale ayaa Ciidamada deegaanka waxay kusoo furteen hub iyo saanad milateri, waxaana la qorshenayaan in howlgallo hor leh ay qaadi doonaan Ciidamada deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open