Dagaal Culus Oo Ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo, Iyadoo Leysku Adeegsanayo Hubka Noocyadiisa Kala Duwan

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in halkaas uu ka qarxay dagaal cuslus oo u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka socdo goobihii dhawaanahan lagu dagaalmayey ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la maqalayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo leysku adeegsanayo Madaafiicda goobta iyo kuwa daran dooriga u dhaca.

Dagaalka maanta ayaa la sheegayaa in uu bilowday ka dib markii Ciidamo ka tirsan Maleeshiyada Galmudug oo saarnaa gaari Ciidan lagu furey rasaas taas oo sababtay in dagaalku qarxo, Dad ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in guud ahaan uu istaagay isu socodkii iyo dhaq dhaqaaqii ka jirey magaalada, waxaana ay ku waramayaan in dagaalka uu yahay mid xoogan.

Waxa lagu guul dareystay waan waan iyo wada hadalo  u dhaxeeyey labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu ku fido goobo kale oo hor leh.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open