Dagaalka Gaalkacyo Oo Xoogeystay Iyo Dhinacyada Dagaalamaya Oo Isku Eedeeyey Sababta Dagaalka

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa saaka waxaa dib uga Bilowday dagaalka u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo Puntland, Iyadoona Is rasaasayn ay ka socoto Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana dhowaaqa Hubka Culus ee labada dhinac isku ridayaan siwayn looga maqalayo magaalada.

Sidoo kale Waxaa jira Madaafiic  ku dhaceysa Xaafado ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Wuxuuna dagaalka kusoo beegamiyaa iyadoo ay Jiraan Dedaalo Nabadeed oo labada Maamulka ee Puntland iyo Galmudug Laga dhex waday.

Waxa lasoo wariyey in dad kala duwan oo qaba dhaawacyo la gaarsiiyey isbitaalka dhanka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ku waxyeeloobay dagaalada sii xoogeysnaya.

Maamulada labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyey dagaalka saake markale dib uga qarxay galbeedka Gaalkacyo, waxaana gabi ahaaanba fashilmay dadaaladii lagu howlanaa ee la doonayey in lagu xasiliyo xaalada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open