Dhageyso Wasiirka Dalxiiska “Dagaalka Puntland Ee Maanta Waxa Ka Qeyb Qaatay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Qaranka Ee Nisa”

Wasiirka wasaaradda deegaanka Maamulka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo caawa shir  jaraa’id ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa kahadlay dagaal maanta kadhacay magaalada.

Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in dagaalkaasi ay sababtiisa lahaayeen maamulka Galmudug oo uu sheegay inaysan raali ka ahayn nabad ka kadhalata magaalada Galkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Puntland weerar lagu soo qaado marwalba ayna Puntland diyaar u tahay difaaca shacabkeeda, maamulka Galmugna uu wadahadalkii diidey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open