General Maxamed Saciid Morgan Oo Guuldarro Kala Kulmay Doorashada Aqalka Sare

Waxaa goor dhow dhamaaday tartan u dhexeeyey labo Murashax oo u tartameysay in Puntland ku matalaan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Labada Murashax ee kala ah General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo Bootaan Bare Samatar ayaa maanta u tartamay kursiga 8-aad ee Puntland ku yeelaneyso Aqalka Sare.

Bootaan Bare Samatar ayaa helay 38 cod, halka General Moorgana uu helay 27 cod oo kaliya, arintan ayaa ah guuldarro soo wajahday General Morgan oo beesha Caalamka ay si ba’an uga walaacsaneyd inuu ka mid noqdo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

General Maxamed Siciid Xirsi Moorgan beesha Caalamka ay ka walaacsaneyd inuu ka mid noqdo xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si lama filaan ah ugu guuldaraystay kamid noqoshada aqalka sare.

Bootaan Barre
Bootaan Barre
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open