Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Kusoo Baxay Xubnaha Aqalka Sare Iyo Siyaasiyiin Caan Ah Oo La Filayo In La Doorto

Madaxweynihii Hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku guulaystay xubinimadda Aqalka Sare ee barlamaanka Federaalka soomaaliya, Waxaana uu ku guulaystay Cabdi Madi Abshir Cismaan, oo horey u ahaa xoghaynta Cabdiraxmaan Faroole.

C/raxmaan Faroole ayaa helay 59 Cod, halka musharixii la tartamayay uu helay 5 Cod kaliya, waxaana xumaaday cod kaliya, iyadoo hal xildhibaana uu ka maqnaa codaynta maanta.

Doorashada oo weli socota ayaa Waxa la filayaa in siyaasiyiin cusub oo dhowr ah la dooto, waxaana musharaxiinta tartameysa ka mid ah Genaraal Maxamed Saciid Xirsi Moorgan.

Maamulka Puntland ayaa laga yaabaa in uu saameyn ku yeesho xubnaha aqalka sare ee dowlada fedaraalka, waxaana looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan xubno gaaraya ilaa 11 xubnood oo ay ka heleen 54-ta Mudane ee uu ka kooban yahay aqalka sare.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open