Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Oo Ku Guuleystay Kursigii Ugu Horeeyey Ee Xubanaha Puntland Ku Matalaayo Aqalka Sare

Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigaayo Liiska Mudaneyaasha ee Puntland ku matali doono Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka. Puntland waxay ku leedahay Aqalka Sare 11 xubnood.

Ra’salwasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake ayaa ku guulaystay xubintii ugu horaysay ee Aqalka Sare ee Puntland, waxaana uu ka guulaystay gabadha lagu magacaabo Aamino Axmed Cabdulaahi oo la tartamaysay.

Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa helay codad gaaraya 47 cod, halka aamino ay heshay 17 cod oo kaliya, waxaana natiijada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open