Siyaasi Cali Xaaji Warsame “Madaxda Xilligan Ma Kala Garanayaan Jeebkooda Iyo Handida Qaranka” (Video)

Siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo ah Hada Musharax u taagan Xilka Madaxwayne ee Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay inaan Soomaaliya Rajo lahayn hadii aan lahelin Madax kala taqaana Jeebkooda iyo Hantida Dawlada.

Wuxuu sheegay in Madaxwayne Xasan sheekh iyo R/Wasaareyaashii uu soo magacaabay ay sameeyeen Musuq-maasuq u waynaa, Kaasi oo aan dhicin 25-kii Sano ee lasoo dhaafay, Wuxuuna shaaciyey Goobaha muhiimka ah ee ay Dhaxal wareejiyeen, Wuxuuna ugu danbayntii isagu soo bandhigay waxa uu Soomaaliya ka qaban doono, Wuxuuna sheegay inuu Jeebkiisa ka wayn yahay.

Siyaasiyiita tartanka ugu jira doorashada Madaxtimada dalka ayaa wada soo bandhigdda dal dalooada Madaxda waqtiga uu ka dhamaaday.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open