Suxufiyiin Ka Tirsan Tv-ga Aljasiira Oo Ku Xirnaa Muqdisho Oo Lasii Daayey

Waxaa maanta labo Cisho kadib xuriyadoodii dib u helay wariyaal u shaqeynayay Tv-ga Al-Jaziira qeybta Ingiliishka kuwas oo u xirnaa ciidanka Nabad-Sudiga oo xiray xili ay ka yimaaden duleedka Magaalada muqdisho.

Wariyaashaan ayaa waxaa kamid ahaa Xamza Maxamed oo heysta Dhalashada Britain iyo Kamiro-Maankiisa iyo sidoo kale darawalkii Gaariga u waday kuwas oo dowladda ay ku eedeysay in ay adeen goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Ragaan ayaa lagu qabtay bar  koontarool oo ku taala duleedka Muqdisho, waxaana lagu haayey xabsiga ilaa maanta oo ay ka helaan xuriyadooda, Wasiirka warfaafinta oo maanta ka hadlay xariga wariyeyaashan ayaa sheegay in uu ku socdo baaritaan maadaama ay tageen deegaano ay maamulaan Shabaab.

Sii deysmada saxafiyiintan ayaa waxa gacan ka geystay saxafiyiin ku sugan Muqdisho iyo Ururka Suxufiyiinta qaranka ee Nusej oo dadaal u galay in xabsiga ay ka saaraan ragan wariyeyaasha ah, shalay ayaa Xabsi ku yaala Muqdisho laga sii daayey tafatirihii wargeyska Ogaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open