Maleeshiyada Alshabaab Oo Meydad Uga Cararay Duleedka Degmada Lambar50 Oo Ay Galabta Weerar Ku Soo Qaadeen

Galabta casir liiqii waxaa Saldhigga Ciidamada maamulka degmada Lambar50 weerar ku soo qaaday maleeshiyada Alshabaab oo maalmihii ugu dambeeyey weeraro ka waday deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dagaalka oo socdo mudo labo saac oo xiriir waxaa ku jabay maleeshiyada Alshabaab oo ilaa meelo fog caawa fiidkii lagu raacdeynayey firxadkooda, deegaanada deexda ah iyo dhulka u dhexeeyo degmooyinka Awdheegle iyo Lambar50 ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ku baxay ciidamo baacsanaayo maleeshiyada hororka ah ee wajiyada badan u dagaalamaayo.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Lambar50 oo u waramay shabakadda Markacadey.com  ayaa sheegay in dhowr Meyd Shabaab ah xiligan daadsan yihiin duleedka Lambar50 oo uu dagaal culus ka dhacay.

Goobjooge ku sugan degmada Lambar50 ayaa sidoo kale Markacadey.com u sheegay inuu indhahiisa ku arkay meydadka labo Alshabaab ah oo rasaas ba’an ay ka muuqatay jirkooda.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa labo maalin ka hor weerar sidan oo kale u abaabulan ku qaaday degmada Afgooye, waxayna Alshabaab qabsadeen qaybo badan oo Afgooye ka tirsan iyagoo dilay dad badan.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open