Alshabaab Oo Degmada Saakow Ku Toogatay Nabadoonka Guud Ee Beesha Shanta-caleemood

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogatay Allah ua naxriisteen Nabadoonkii guud ee Beesha Shanta-caleemood oo ka mid ah Beelaha dega Gobolka Shabeelada hoose.

Nabadoon C/laahi Axmed C/raxmaan ayaa Maxkamada Shabaabka ee Gobolka jubada dhexe ku eedeysay inuu la shaqeenayo dowladaha reer Galbeed islamarkaana uu basaasayey xogta Xarakada.

Goob fagaare ah oo ku taalla Saakow ayaa Nabadoonka iyo laba nin oo kale lagu toogtay, waxaana dhamaan lagu sheegay in ay ahaayeen basaasiin dambiyo ka galay Shabaab.

Beesha Shanta Caleemood ayaa dilkaas si kulul uga hadashay, waxaana ay ku sheegeen eedaasi in ay aheyd mid shabaabku ay ku baneesanayeen dhiiga Nabadoon Yaraaw, ka dib markii uu diiday amaro khuseeyey Beesha.

Waxay intaasi ku dareen in Ehelka Nabadoon C/laahi Yaraaw loo diiday in ay la kulmaan oo ay wax ka weydiiyaan sababaha uu u xiranyahay, iyagoo ka war helay in shalay gelinkii dambe lagu toogtay degmada Saakow.

Dhanka kale Guud ahaan Beesha Shanta-caleemood ayaa tacsi u direy Nabadoonka, iyagoo Alla uga baryey in uu janadiisa ka waraabiyo, Ehelka iyo asxaabta ayey u rajeeyeen in samir uu allaha ka siiyo.

Deegaanada ay maamulaan Shabaabka ayaaa inta badan waxa ka dhaca xukuno kala duwan oo lagu fuliyo dad Soomaali ah oo lagu eedeeyo dembiyo ay ka mid yihii basaasiin iyo kuwo kale.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open