Barcelona Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Soo Gaadhay Kooxda Valencia, Lionel Messi Oo Laba Gool Dhaliyay, Iniesta Oo Ciyaarta laga Dhex Qaaday Iyo Munir Oo Gool Cajiib Ah Ka Dhaliyay Barca

Barcelona ayaa guul ay ku rafaaday ka soo gaadhay kooxda Valencia iyada oo kulan cajiib ahi uu labada kooxood ku dhex maray Mestalla Stadium. Lionel Messi ayaa markale noqday halyayga Barcelona isaga oo laba gool ka dhaliyay kulankan wuxuuna waliba dhaliyay goolka ay Barca guusha ku gaadhay oo uu ahaa rekoodhe uu dhamaadkii ciyaarta u saxiixay kooxda Luis Enrique.

Luis Suarez ayaa isna hal gool dhaliyay wuxuuna sidoo kale ahaa xidiga rekoodhaha lagu galay dhamadkii ciyaarta. Dhinac Valencia da’yarka Barcelona amaahda kaga maqan ee Munir ayaa gool cajiib ah  Barcelona ka dhaliyay iyada oo Rodrigo uu goolka kale raacsaday.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

VALENCIA (4-2-3-1): Alves; Montoya, Garay, Mangala, Gaya; Suarez, Perez; Joao, Parejo, Nani; Rodrigo.

KAYDKA: Abdennour, Juame, Mina, Bakkali, Medran, Cartabia, Munir.

BARCELONA (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Mascherano, Umtiti, Digne; Busquets, Gomes, Iniesta; Messi, Neymar, Suarez.

KAYDKA: Masip, Alcacer, Denis, Alena, Mathieu, Rakitic, Vidal.

Barcelona ayay ciyaarta dhibaato wayni ugu bilaabtay waxaana toban daqiiqo waxaan ka badnayn garoonka ku jiray kabtanka Barca ee Andrés Iniesta kaas oo dhawac halis ah garoonka looga dhex qaaday waxaana daqiiqadii 14 aad ciyaarta soo galay Ivan Rakitić oo lagu soo badalay Iniesta oo xanuun qayra caadi ah dareemayay.

1477150914570_lc_galleryimage_fc_barcelona_s_andes_inie

1477150952591_lc_galleryimage_fc_barcelona_s_andes_inie

DAQIIQADII 22 AAD GOOOOL! Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta la wareegay kadib markii uu Lionel Andrés Messi si qurux badan kubbada ula dhex maray difaacyada Valencia isla markaana uu darbo xoogan lugtiisa bidix ku tuuray, wuxuuna kubbad caawin ka helay Ivan Rakitic oo ciyaarta badal ku soo galay, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

1477153037734_lc_galleryimage_fc_barcelona_s_lionel_mes

1477153048963_lc_galleryimage_fc_barcelona_s_lionel_mes

DAQIIQADII 33 AAD Valencia ayaa ku dooday in ay rekoodhe heshay kadib markii uu Rodrigo cadaadis kala kulmay Samuel Umtiti isla markaana uu ku dhex dhacay xerada ganaaxa Barcelona laakiin garsooraha ayaan waxba tilmaamin inkasta oo ay Valencia si xoogan ugu dooday rekoodhe.

DAQIIQADII 37 AAD Barcelona ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda labaad kadib markii uu Luis Suarez kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Valencia laakiin jawaabta uu bixiyay goolhaye Alves ayaa ahayd mid cajiib ah wuxuuna kooxdiisa ka badbaadiyay fursad gool cad loo fishay.

DAQIIQADII 38 AAD Valencia ayaa markeeda dhibaato dhawac la kulantay wuxuuna dhaawac muruqa ahi soo gaadhay José Luis Gayá waxaana kaydka looga yeedhay Aymen Abdennour. Ciyaarta ayaa noqday mid adag isla markaana ay labada kooxoodba dadaalbadan ku bixinayeen.

DAQIIQADII 44 AAD Valencia ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolkeeda barbaraha kadib markii uu Parejo kubbad fool-ka-fool ah uu kula soo baxay Ter Stegen laakiin goolhayaha ree Germany ayaa awooday in uu iska badbaadiyay fursad goolka barbaraha Valencia loo qaatay. Si kastaba, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Barca hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta wax kastaaba way isbadaleen waxaana dardar waali ah la soo laabtay Valencia iyada Prandelli uu isku badalay laba ciyaartoy oo hore Barcelona ugu soo ciyaaray oo kala ahaa Martín Montoya iyo Munir El Haddadi Mohamed, waxaana kaydka ka soo kacay Munir.

DAQIIQADII 52 AAD GOOOOOOOOOOL! Munir El Haddadi Mohamed ayaa kooxdiisii hore ee Barcelona tusay in ay ku qaldanaayeen in uu Camp Nou ka soo baxo isla markaana ay ku badasheen Alcacer wuxuuna Valencia u keenay goolka barbaraha isaga oo caawin ka helay Daniel Parejo, waxayna ciyaartu noqotay babaro 1:1 ah. Munir ayaa gool qurux badan dhaliyay isaga oo kooxda mulkiyadiisa leh aan ku dul dabaal degin.

1477152216842_lc_galleryimage_epa05598010_valencia_fc_p

DAQIIQADII 56 AAD GOOOOOOOOL! Valencia ayaa si deg deg ah natiijada ciyaarta dhinaca kale ugu dhigtay waxaana goolkeeda labaad ee ay markeeda hogaanka ciyaarta kula wareegtay udhaliyay  Rodrigo Moreno kaas oo kubbad qurux badan ka helay Nanai, wuxuuna si fiican u garaacay Umtiti waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Valencia hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 62 AAD GOOOOOOOOOL! Barcelona ayaa markeeda jawaab deg deg ah bixisay waxaana gool gantaal ah Barcelona udhaliyay  Luis Alberto Suárez kaas goolkan ku dhaliyay kubbad layaableh oo Alves markii hore ka badbaadiyay Rakitic waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.

1477151719629_lc_galleryimage_valencia_spain_october_22

DAQIIQADII 86 AAD Valencia ayaa heshay fursad dahabi ah oo ay markale hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay kadib markii uu Nani kubbad cajiib ah uu ka helay Munir laakiin kubbada uu goolka Barcelona la horjoogay ayuu si xoogan u darbeeyay waxayna shaqo fiican qabtay Ter Stegen.

DAQIIQADII 92+2 AAD REKOODHE!. Lionel Messi ayaa kubbad hal-ka-laba ah ay isku dhufsadeen Luis Suarez laakiin kubbada uu Suarez kula baxay goolka Valencia ayuu Aymen Abdennour qaad xun ku galay Luis Suarez taas oo keentay in kaadhka digniinta ah loo taago isla markaana rekoodhe lagu abaal mariyo Barcelona.

DAQIIQADII 90+4 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL! Lionel Messi ayaa masuuliyada goolka saddexda dhibcood ku xidhnayd dhabarka u ritay waxaana lays waydiinayay in Alves oo rekoodhe badbaadinta La ligaha wacdaro ku dhigay uu Barcelona niyadjabin doono laakiin Messi ayaa awooday in uu si sahlan kubbada shabaqa u gaadhsiiyo wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:2 ay Barcelona markale hogaanka dib ugu soo ceshatay.

Dabaal degii Barcelona ayaa la soo gaabaiyay kadib markii ay jamaahiirta Valencia walxo ku soo tuureen ciyaartoyda Barcelona isla markaana ay Neymar iyo Suarez madaxa kaga dhugteen. Xamaasada ayaa noqotay mid waali ah waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 3:2 ay Barcelona ku soo gaadhay guul ay u rafaaday.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open