Faafaahinno Dagaalo Cuslus Oo Markale Saake Ka Dhacay Deexda Bari Ee Degmada Nambar 50

Faafaahinno kala duwan ayaa waxay kasoo baxaan dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay meel duleedka Bari kaga toosan degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka oo ka dambeeyey weerar fashilmay oo shalay casir liiqii ay soo qaadeen Maleeshiyada Shabaab ayaa saake Ciidamada deegaanka waxay weerar ku qaadeen saldhig ay xalay ku hoydeen Maleeshiyaad lagu jabiyey dagaalka.

Ciidamada deegaanka oo xog buuxda ka haayey saldhiga ay weerareen ayaa la sheegay in uu ku yaallo meel ku hawaad labaatan km u jirta degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa Markacadey u sheegay in dagaalka saake ee ay ku qaadeen saldhiga Maleeshiyada Shabaab ee duleedka Nambar 50 ay ka gaareen guulo la taaban karo ayna kala ceyriyeen maleeshiyadii Shabaabka ee halkaasi ku sugnaa.

Saraakiisha ayaa intaa hadalkooda raaciyey in saacadaha soo aadan ay faafaahinno buuxda ka bixin doonaan weerarada iyo howlgallada ay ku qaadeen saldhigyo iyo xarumo ay degenayaan Maleeshiyaadka Shabaab.

Weerar fashilmay oo xalay Shabaab ay kusoo qaadeen saldhiga deegaanka ee Nambar 50, ayaa sababay in dhowr Meydad ah ay uga carareen goobta ay soo weerareen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE