Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka Oo Maanta Gaaray Jowhar Si Uga Qeybgalo Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle

Madaxweynaha dowlada fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada dhexe.

Safarka Madaxweynaha oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan labada Gole ee dowlada ayaa ka degay Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Madaaxda Maamulka dhawaan la doortay.

Wafdiga Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo xafladda caleema saarka Madaxweyne Cali C/hi Cosoble.

Dowlada fedaraalka ayaa dadaal gelisay dhismaha Maamulka Hirshabelle oo caqabado badan kala kulmay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka, waxaana la ogeyn sida uu ku shaqeyn karo Maamulka dhaliilaha faraha badan la kulmaya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open