Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Galabta Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleeno magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in galabta halkaas uu ka dhacay dagaal aad xoogan.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in maanta gelinkii dambe uu ka qarxay qeybo ka mid ah magaalada gaar ahaan xaafada lagu magacaabo Garsoor, halkaas oo la sheegay in leyku adeegsaday hubka ugu culus ee labada dhinaca ay isticmaalayeen.

Warar ayaa sheegaya in Madaafiic ay tuureen Labada dhinac Galmudug iy Puntland ay ku dhaceen xaafado ku kala yaala waqooyiga iyo koonfurta, waxaana xaafadaha qaar lagu soo waramayaa in yihiin kuwo inta badan laga bara kacay oo ay cidla yihiin.

Ciidamada kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku hardamayey goob ay ka socoto dhisme Maxjar oo uu wado Maamulka Puntland, waxaana dhismahaas kasoo horjeestay Galmudug.

Waxa lasoo sheegayaa in dagaalka uu iskiisa u istaagay maqribkii caawa, waxaana dagaalkii galabta ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open