Chelsea v Man United – Maxaa Kala Heysta Maanta Kooxaha Blues & Red Devils? Jose Mourinho Oo Ka Horimaanaya Kooxdii Ceyrisay 10 Bilood Ka Hor

chelsea-manchester-united-super-sunday_3410504

Kulanka: Chelsea v Man United

Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Martin Atkinson

Sannadii 2004, Chelsea v Manchester United waxa ay aheyd kulankii ugu horeysay ee Jose Mourinho ee kubada cagta Ingariiska.

Intii uu Mourinho joogay galbeedka London, waxaa soo martay watiyadiisii ugu fiicnaa iyo kuwii ugu xumaa. Labo jeer ayuu kooxda tababare ka noqday, waxa uu ku guuleystay todobo koob oo waa weyn, waxaana la ceyriyay labo jeer.

Waxaa jiray ciyaartoy jeclaa isaga iyo kuwa ay isku dhaceen, Ka dib markii sida xun loo ceyriyay 10 bilood ka hor, taageerayaasha Chelsea waxa ay ku ooriyeen ciyaartoydii ay aamineen inay sabab u ahaayeen ceyrintiisa, qaar badan oo ciyaartoydaas ka mid ahna weli kooxda waa ay joogaan.

Inuu garaaco Mourinho ayaa malaha ah wadada kaliya ee uu tababare Antonio Conte ku caawin karo taageerayaashaas inay iska ilaawaan tababaraha reer Portugal.

Mourinho isaga laftiisa shaqo adag ayaa u taala, wuxuu ku laabanayaa garoonkiisii hore, waxaana uu wataa Manchester United oo aan kulan Premier League ah ku badinin Stamford Bridge tan iyo October 2012.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Chelsea ayaa sheegtay in kabtan John Terry uu si buuxda uga soo kabsaday dhaawacii canqowga laakiin waxaa la sugayaa in la arko haddii uu ku soo bilaabanayo isagoo kursiga keydka fadhiyay kulankii isbuucii hore.

Willian iyo Oscar ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib fasax la siiyay laakiin Cesc Fabregas iyo Branislav Ivanovic ayaa mar kale ku maqan dhaawacyo muruqa ah.

Manchester United ayaa qiimeyn doonta xaalada Chris Smalling kaasoo dhaawac muruqa ah ku baxay kulankii Fenerbahce.

Henrikh Mkhitaryan ayaa ka soo kabsaday dhaawac, waxaana laga yaabaa inuu qeyb ka ciyaaro kulankaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea (3-4-3): Courtois; Azpilicueta, David Luiz, Cahill; Moses, Matic, Kante, Alonso; Pedro, Costa, Hazard.

Man United (4-2-3-1): De Gea; Shaw, Smalling, Bailly, Valencia; Fellaini, Herrera; Young, Pogba Rahsford; Ibrahimovic.

MA OGTAHAY?

  • Chelsea lagama badinin 10kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka iyo koobabka maxaliga ee ay la ciyaareen Man United. Shan kulan waa ay badiyeen, shanta kulan kale barbaro ayay ku dhamaadeen.
  • Guusha kaliya ee Premier League ee ay Red Devils ku gaartay Stamford Bridge tan iyo 2002 waxa ay aheyd bishii October 2012.
  • Haddii ay maanta badiyeen Chelsea waxa ay ka dhigan tahay guushii 50aad ee ay ka gaareen Manchester United tartamada oo dhan.
  • Afar kaar casaan ah ayaa la bixiyay lixdii kulan ee Premier League ee ugu danbeysay ee ay labada kooxood ku ciyaareen Stamford Bridge.
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open