Ciidamada Amisom Oo Dhowr Madfac Ku Garaacday Deegaano Duleedka Ka Xiga Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa duqeyn xalay ciidanka AMISOM ay u geysteen tuulo ku dhow deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay dadka deegaanka  noo xaqiijiyeen ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee degan deegaanka Buufow bacaad ayaa  ku dhuftay 2 hoobiye tuulada Cambanaane oo hoos timaada degmada Jannaale.

Hoobiyeyaasha ayaa lagu soo warmaya in ay ku dhaceen Guryo ay leeyihiin dad shacab ah waxaana ku dhintay laba qof sida ay xaqiijiyay dadka deegaanka.

Saraakiisha Ciidamada Amisom ayaa inta badan Madaafiicda ay ku tuuraan tuulooyinka la degenyahay ayaa ku sababeeya inay iska difaacayaan Madaafiic ama rasaas laga soo tuurey goobaha ay bartilmaameedsadaan.

Maleeshiyada Shabaab ayaa caada ka dhigtay in Madaafiic ay ka tuuraan goobaha ay degenyihiin dadka Shacabka, waxaana Amisom ay bartilmaameedsataa goobaha laga soo weeraray waxaana taasi ay keentaa in khasaare uu soo gaaro dadka Shacabka ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open