Ciidamada Itoobiya Oo Isaga Baxay Deegaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada Itoobiyaan ee ku socdey magaca AMISOM ayaa muddooyinkii danbe banaynaayey saldhigyo ay kulahaayeen Gobolada Hiiraan, Galguduud iyo Bakool.

Saldhiga u danbeeyey ee Ciidamada Itoobiyaanku kabaxaan ayaa noqdey Deegaanka Halgan, waxaana subaxnimadi hore ee maanta ay u baxeen dhanka Magaalada Beledweyne sida ay sheegeen dadka ku dhaqan Halgan.

Saldhiga Halgan ayaa ahayd halkii al-Shabaab ay ku qaadeen weerar bilooyin ka hor kaas oo ay aad ugu jabeen,  Sanadkii 2014 ayey ahayd markii al-shabaab laga qabsadey deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

Dadka deegaanka Halgan ayaa sheegaya in al-Shabaab ay isla saakey gaareen Halgan oo ay bilaabeen in ay Shacabka ugu goodiyaan falal dil iyo wax kale ah hadii ay la shaqeeyaan Ciidamada dowlada iyo saaxiibadooda.

Halgan oo loo arfko deegaan istiraatiiji ah, ayaa isku xirta Magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde, waxayna saarantahay wadada laamiga ah ee isku xirta Gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee wadanka.

Dalka Itoobiya waxaa ka taagan kacdoon ay wadaan qawmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah kuwa ugu badan dalkaas, dalka waxaa lagu so rogay xaalad deg-deg ah, waxaana xabsiga la dhigey tan iyo markii xukunkaas la soo rogay dad ka badan 2000 oo qof.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open