Ciidamo Ka Socda Amisom Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado

Diyaarad gaar ah oo siday Ciidamo ka tirsan kuwo Midowga Afrika Amisom ayaa maanta waxay ka degtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado.

Ciidamada oo ka kala socda wadamada Jabuuti iyo Burundi ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 70, askari, waxaana garoonka kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay hor dhac u yihiin Ciidamo gaaraya ilaa 400, oo loogu talagalay in ay ilaaliyaan xarunta sida kumeel gaarka ah uu udegenyahay Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay C.kariin Xuseen Guuleed.

Ciidamadan ayaa sidoo kale la sheegay in ka qeyb qaadan doonaan sugidda amniga Goobaha lagu qaban doono doorashooyinka ee ku yaala Cadaado.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open