Dhageyso Gudoomiye C/hi Waafow “Alshabaab Difaacyadeena Kuma Sugi Doonin, Geedkay Galaan Iyo Wadooyinka Ay Maraan Ayaan Naqaanaa”

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 C/laahi Cali Axmed Waafow ayaa faafaahin wuxuu ka bixiyey dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoos taga Nambar 50.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in dagaal ka dhacay Namabar 50 oo ay soo qaadeen Maleeshiyada Alshabaa ay ku jabiyeen islamarkaana uu jirey dagaal raad raac ah oo ay ku qaadeen saldhig ay shabaabku ku leeyihiin deexda.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in shabaabku aanay ku sugi doonin difaacyadooda hase ahaatee ay ku ugaarsan doonaan geed walba ay galaan iyo wado kasta oo ay isticmaalayaan sababtoo ah, wuxuu sheegay in Shabeelada hoose ay u dhasheen ayna u yaqaanaan Geed ka Geed.

Isagoo ka hadlaayey dayacnaanta Saraakiisha dowlada iyo feejignaan la’aanta laamaha maanku ayuu sheegay in ay dhici laheyn weerarka khasaaraha badan uu ka dhashay ee ka dhacay degmada Afgooye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open