Dhageyso Xildhibaan Boqore “Waxaan Diyaar U Nahay Inaan U Tanaasulno Maslaxada Umada Soomaaliyeed”

Xildhiban Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ayaa maanta wareysi uu siiyey warbaahinta gudaha ku sheegay in ay diyaar u yihiin u tanaasulidda maslaxada Umada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Boqore ayaa sheegay in ay u cuntumin Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi in aqalka sare laga siiyo 11 xubnood, hase ahaatee ay diyaar u yihiin in ay u tanaasulaan Maslaxada Umada oo uu sheegay in ay ku jirto Midnimada.

Dhanka kale wuxuu sheegay in ay ka war sugaayaan Madaxda Madasha Wadatashiga qaran si ay u guda galaan dhismaha Aqalka sare ku matali lahaa Gobolada Waqooyi.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo si weyn ay u dhaliilsanaayeen Siyaasiyiinta kasoo jeeda Waqooyiga dalka saami qeybsiga xubnah aqalka sare.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open