Maleeshiyaadka Alshabaab Oo Maanta Xayiraad Kusoo Rogay Gaadiidkii Caanaha Ee Tagi Jiray Magaalada Marka

Maleeshiyaada Alshaab ee xooga ku maamulaya deegaano badan oo ka tirsan Shabeelada hoose ayaa maanta xayiraad kusoo rogay in wax gaadiid ah uu galo Magaalada Marka.

Gaadiid ka imaan jirey deegaanada Xeebta ah ee ku yaala Koonfurta Marka ayaa keeni jirey Caanaha xoolaha iyo Xoolo nool oo loo iib geyn jirey Suuqa ku yaala Xaafgada Ayuub.

Amar kasoo baxay Maleeshiyada oo la siiyey Gaadiidka ayaa ahaa in wax Baabuur oo adeeg ama wax kale u sida Marka aanu dhaafi karin deegaanka Ceelcadow oo ku yaala inta u dhaxeysa Lexmooro iyo Ceeljaalle.

Waxa lagu soo waramayaa in maanta gaadiid badan ay ku xayiranyihiin deegaanka Ceelcadow, halkaas oo ay ku suganyihiin Baabuurtii Caanah iyo xoolaha ka keeni jiorey Xeebta kuna sii jeeday magaalada Marka.

Dhanka kale maleeshiyada ayaa amar ayaa amar siiyey Shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Ceelcadow oo ay ku amreen in ay u guuraan deegaanada Ceel-axmed iyo Lexmooro oo ay maamulaan, waxaana ay sheegeen in deegaankaas ay u adeegsan doonaan weeraro ay ku qaadaan Ceeljaale oo ay degenyihiin Ciidamada Amisom iyo dad Shacab ah.

Qal qal xoogan iyo Caana ala’aan ayaa maanta ka taagan qeybo ka mid ah magaalada Marka iyo deegaanka Ceeljaale, waxaana tallaabadan ay imaaneysa iyadoo Maleeshiyada Shabaab ay culeys baahsan ku hayaan Shacabka ku dhaqan deegaanada Beesha Biimaal.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open