Muuqaalo Naxdin Badan Oo Laga Soo Duubay Magaalada Aleppo Oo Ay Ka Dhcayaan Dagaalo Culus

Muuqaal baahiyeyaalka caalamka ayaa magaalada Aleppo ee dalka Siiriya kasoo qaaday muuqaalo naxdin badan.

Muuqaaladii ugu dambeeyey ee laga soo qaado magaaladan oo ay ku socoto duqeymo ayaa waxay muujinayaan sida uu xaalka ugu xunyahay Shacabka halkaasi ku go’doonsan oo anay jirin wax gar gaar ah oo la gaarsiiyey iyo meel ay u cararaan dadka ay ku socdaan Madaafiicda Diyaaradaha Ruushka.

Inta badan dhismayaasha magaalada ayaa dhulka lala simay, waxaana ku dhacay Gantaalada Cirka kaga imaanaya, waxaana Shacabka ay dalbadeen in ay helaan cid samatabxisa, warbaahinta ayaa fursad u heshay in ay tagaan Aleppo oo saacadihii lasoo dhaafay ku jirtay waqti xabad joojin iyadoo laga cabsi qabo in ay halkeeda kasii socota duqeynta.

Dowladaha Mareekanka iyo Ruushka ayaa ku loolamay siyaasad ahaan dagaalada ka socda dalka Siiriya, waxaana dhowr jeer oo hore u fashilmay isku dayo iyo wadahadalo lagu doonayey in xaalada dib loogu celiyo halkii hore ee aheyd in xal laga gaaro colaada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open