Shirweynihii 1-aad Ee Ururadda Jaaliyaddaha Puntland Ee Ku Midoobay Daladda PEDAN Oo Maalinkii 2-aad galay (Sawiro)

Maalinkii 2-aad waxa si habsami leh uga socda Dalka Sweden gaar ahaan Magaalada Borlange Shirweynaha Dallada PEDAN ee ay ku mideysan yihiin Ururadda Qurba-joogta Puntland ee Yurub.

Shirka Maanta waxa qaybtiisa kowaad looga Hadlay Muhiimada ay leeyihiin Ururaddu iyo sidii lagu Horumarin lahaa Ururadda xubnaha ka ah Dallada PEDAN.

Warbixino ku saabsan sidii lagu Hormarin lahaa Ururadda ayaa waxa si Faahfaahsan usoo wada jeediyay Abdi Geelle, Hanad Boqor iyo Kudun Muuse, Dhamaantood waxay soo jeediyeen sharaxaad aad usoo jiidatay kasoo qaybgalayaasha Shirka kana hadleysay Muhiimada Ururadda iyo sidii lagu Hormarin lahaa.

Qaybtii labaad ee Shirka waxa Warbixino kasoo jeediyay Amb. Awliyo iyo Cabdicasiis Xildhibaan, labada Masuul ayaa bogaadiyay hawsha umadda soomaliyeed u hayso PEDAN sida iskju xirka Qurba joogta soomaliyeed.

Qaybtii 3-aad ee Shirkka Maanta waxa looga Hadlayay sidii Qurbajoogta Soomaliyeed uga qayb qaadan lahayeen Siyaasadda wadamada ay ku nool yihiin ee Yurub.

Mursal isse oo ah Swidesh Counillor kana mid ah Qurbajoogta soomaliyeed ee Guusha ka gaaray wadanka Sweden iyo Ubax Daahir oo ahaan jirtay Norwegian Councillor ayaa waxay Shirka kasoo jeediyeen sida ugu fudud ee looga qayb qaadan karo Nidaamka Dowliga ah ama siyaasadda wadamada Yurub.

Mursal Issa iyo Ubax ayaa Soomalida ku dhiirageliyay inay xoojiyaan isdhexgalka Bulshada ay la nool yihiin tasoo Fursad u siinaysa inay ku biiraan Siyaasadda.

Warbixnaha kale ee Muhiimka ah ee Shirka Maanta looga Hadlay waxa ka mid ahaa sida ugu fudud sidii wadankeena Gudahiisa loogu laaban lahaa iyadoo wadanka lagu celinayo Xirfadaha laga Faa´iiday Qurbaha.

Shirka oo laba maalin socday ayaa laga Faaíiday waxyaabo baddan oo Muhiim u ah Qurbajoogta Soomaliyeed ee Yurub ku dhaqan iyo Xaalada wadanka Gudahiisa.

unnamed-1 unnamed-2 unnamed-3 unnamed-4 unnamed-5 unnamed-6 unnamed-7 unnamed-8 unnamed-9 unnamed-10 unnamed-11 unnamed-12 unnamed-13 unnamed-14 unnamed

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open