Wasaarada Haweenka K/galbeed Oo Baydhaba Ku Qabtay Kulan Looga Hadlayey Koontada Haweenka Ee Baarlamaanka Fedaraalka (Sawiro)

Kulan ballaaran oo ujeedadiisu tahay Olaha xaqiijinta ka qeyb galka qoondada Haweenka ee %30 ayaa wasaarada Haweenka Koonfur galbeed ku qabtay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Kulanka ayaa waxa kasoo qeyb galay ururada haweenka koonfur galbeed, Wasiiradda Haweenka k/galbeed, wasiiradii hore Caafimaadka dowladii fedaraalka Xaawa Xasan, Sanatar Samsam Ibraahim,mas’uuliyiin hore iyo xildhibaano ka kala tirsan Baarlamaanka fedaraalka iyo midka Maamulka K/galbeed.

Sidoo kale kulanka ayaa waxa lagu marti qaaday Haweenka Musharxiinta ah ee u tartamaya ka mid noqoshada Baarlamaanka aqalka hoose iyo xubno haween ah oo ka tirsan gudida xaqiijinta koontada Ururada haweenka.

Marwo Binti Ibraahim Cali oo kulankan soo qaban qaabisay ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in Haweenka Kasoo jeeda Koonfur galbeed ee u sharaxanb aqalka hoose ee dowlada fedaraalka ay helaan koontada loo qoondeeyey shirka Madasha ee Muqdisho lagu qabtay.

Sidoo kale waxa Madasha ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan kuwaas oo dhamaan soo dhaweeyey sida Wasaarada Haweenka K/galbeed ay ugu heelantahay sidii ay u ilaalin laheyd xuquuqda dumarka oo laga yaabo in ay dhacaan siyaasiyiin burcad ah.

img-20161023-wa0029

img-20161023-wa0001

img-20161023-wa0006

img-20161023-wa0021

img-20161023-wa0002

img-20161023-wa0005

img-20161023-wa0003 img-20161023-wa0004   img-20161023-wa0007 img-20161023-wa0008 img-20161023-wa0009 img-20161023-wa0010 img-20161023-wa0011 img-20161023-wa0012 img-20161023-wa0013 img-20161023-wa0014 img-20161023-wa0015 img-20161023-wa0016 img-20161023-wa0017 img-20161023-wa0018 img-20161023-wa0019 img-20161023-wa0020  img-20161023-wa0022 img-20161023-wa0023 img-20161023-wa0024 img-20161023-wa0025 img-20161023-wa0026 img-20161023-wa0027 img-20161023-wa0028

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open