Hugunka Madaafiicda Iyo Dhawaqa Rasaasta Oo Saake Dib Looga Maqlayo Magaalada Gaalkacyo

Waxa mar kale magaalada Gaalkacyo saake dib uga qarxay dagaalo, iyadoo hub culus ay saake is weedaarsanayaan Ciidamada kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu dib uga qarxay goobihii ay isku hor fadhiyeen labada Ciidan, iyadoo laga maqlayo goobta dagaalka hub culculus iyo dhawaqa rasaasta.

Weli lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka saake Gaalkacyo dib uga qarxay, iyadoo dadka fara ku tiriska ee ku sugan magaalada ay kusoo waramayaan in rasaasta wiiftada ay ku dhaceyso meelo ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo.

Dhanka kale dagaalada Gaalkacyo oo usbuucii labaad socda ayaa sababay barakac lexaad leh oo ay sameeyeen dadka Shacabka ah, waxa sidoo kale dagaaladu ay sababeen bur bur hantiyadeed oo magaalada soo gaaray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open