Kulan Dhex Marey Madaxweynaha K/galbeed Iyo Odayaal Biimaal Kasoo Jeeda Oo Uu Boobay Awyare Abshirow (Sawiro)

Kulankaani oo ah mid saacado qaatey ayaa wuxuu ku dhex maray xaruunta madaxtooyada Koonfur Galbeed madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan sheekh Aadan, Madaxweyne ku xigeenka ahna wasiirka wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi, Nabad-doonka Fanax oo ka mdi ah  Nabadoonada Beesha Biimaal, Samadoonada iyo qaarka mid ah siyaasiyiinta beesha.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Nabad-doonka  Nabad-doon Maxamed Cumar C/Laahi ( Fanax ) oo sheegay in saxiixaha beesha Beeshiisa ugu jira 135-ta oday dhaqmeed inuu sameyey iska horkeen beesha dhexdeeda isaga oo danta uu ka leeyahayna ay tahay inuu xildhibaan mar kale uu ka dhigto wiilkiisa uu dhalay Xildhibaan hore C/Laahi Aw-yare Abshirow.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Samadoon C/Kaamil Maxamed Yacquub oo tilmaamey inAwyare ee ku jira saxiixayaasha 135-ta u soo gudbiyey Ergo uusan cidna kala soo tashan ayna ka turjumaynin awood qeybsiga beesha dhexdeeda ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ugu dambeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ergo aysan soo gudbin samadoonada beesha islamarkaana uusan soo saxiixin nabadoonka Fanax aan lasoo gudbin doonin, haddii ay dhacdayna ay tahay Ergada lasoo gudbiyey mid wax kama jiraan ah.

Dhinaca kale Nabadoon-ka Mxamed Cumar C/Laahi (Fanax) wuxuu kulamo kala duwan uu la qaatey wakiilka beesha caalamka u qaabilsan koonfur galbeed, IGAD iyo Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ee koonfur galbeed ee mudane Maxamed C/Laahi Mursal oo cadeeyey in ergada lasoo gudbiyey ay tahay mid aan la aqbali Karin mar haddii aan lagala soo tashan Nabadoon Fanax iyo Samadoonadiisa oo ka mid ahaa nabadoonadii soo dhisay dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya islamrkaana dhigooda loo soo daadiyey.

Awyare Abshorowe oo ka mid ah xisbiga sharwadayaasha ee isku caleema saaray Hoteelada Muqdisho ayaa culeyso xoogan saaraya samadoonada iyo murashaxiinta Beesha Biimaal qaarkood, waxaana uu rabaa in aan loolan adag aanu la kulmin wiilkiisa C/laahi Awyare oo sanadii 2012-kii si tuuganima ah uu u siyey Kursiga Xildhibaanimo.

14808831_673630332803974_309523618_o 14796258_673630442803963_359789153_o 14795740_673630532803954_428548390_o 14787582_673630836137257_1357892646_o 14807955_673630756137265_951211639_o

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open