Madaxweyne Gaas Oo Hadal La Yaab Leh Ka Yiri Dagaalka Gaalkacyo “Dagaalka Waxa Laga Soo Abaabulyaa Muqdisho Ee Cadaado Maahan” (Video)

Madaxweynaha maaamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Kasoo degay magaalada Boosaaso, Wuxuuna ka hadlay dagaalka Gobolka Mudug, Isagoo sheegay in gaalkacyo lagu soo Duulay Aan looga soo Duulin Cadaado.

“Gaalkacyo waxaa laga wadaa dagaalo, dagaalkaas  aan aheyn mid laga soo abaabulay cadaado, meeshaa dalka Lagaga soo duulayo waa Xamar, waxa ku soo duulaya oo shidada wadana waa Dawladda Federaalka Soomaaliya Ayuu yiri Gaas.

Doorashooyin baa laga hadlayaa iyo in dawlad la dhiso, isbadal dowladnimana yimaado, dabcan cadow duulaan kugu ah hadde si wax loola dhisanayo oo dawladd loola wadaagayo garan maayo runtii ” ayuu hadalkiisa sii Raaciyey C.wali Gaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran